Somali

To assist people from multicultural communities, important information is available in a number of languages.

Somali

Somali | Soomaali

Adeegga Degdegga ah ee Gobolka (The State Emergency Service - SES) waa urur iskaa wax u qabso ah oo kaa caawin kara xaaladaha degdega ah ee daadadka ama duufaanada. Qasab kuguma aha inaad lacag ku bixiso adeegan.

Haddii aad ka wacdo 132 500 taleefankaaga, tabarucayaal ka socda SES ayaa imaan doona gurigaaga haddii uu daad qaaday ama ay waxyeelleeyeen duufaannada. Waxaad sidoo kale codsan kartaa turjubaan. Mutadawiciinta (volunteers) SES waxay had iyo jeer xidhaan lebis midabka liinta (orange) ah. Waxay khibrad u leeyihiin wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee fatahaadaha iyo duufaannada.

Fadlan hoos ka eeg wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidaad qoyskaaga iyo gurigaaga ugu diyaarin lahayd fatahaadaha iyo duufaanada.

Haddii aadan fahmin macluumaadkan, caawimaad weydiiso xubin qoyska ka mid ah, saaxiib ama deriskaaga.

Fariimaha guud

Xaaladaha degdega ah waxay ka dhici karaan meel kasta, wakhti kasta.

Markaad u diyaargarowdo xaaladaha degdega ah, waxaad yarayn kartaa saamaynta xaaladda degdega ah, iyadoo aad si dhakhso ah uga soo kaban karto.

Waxaan rabnaa inaan xaqiijino in dhamaan dadka ku nool Victoria ay yihiin dad diyaarsan ayna ogyihiin waxa la sameeynayo haddii ay dhacdo in aagaga u dhow ay saameeyaan duufaano ama daadad.

Haddii aad u baahan tahay turjubaan si uu kaaga caawiyo macluumaadka degdega ah, ka wac Adeega Fasiraada iyo Turjumaada 131 450 (wacitaan lacag la'aan ah) oo weydii inay kuu wacaan Khadka Taleefanka Degdegga ah (1800 226 226).

Haddii aad taqaan qof aan ku hadli karin Ingiriis, sii lambarkan.

Naftaada daryeel xaalad degdeg ah marka ay timaado ka dib, maadaama khatartu wali jiri karto.

Waxaa laga yaabaa in aanay amaan ahayn inaad ku noqoto gurigaaga ama goobtaada shaqada.

Ahoow qof xog-ogaal ah - kala soco digniinaha duufaanada iyo daadadka khadka degdega ah (VicEmergency hotline -1800 226 226) ama barta internetka ee degdega ah (VicEmergency website) - https://emergency.vic.gov.au/respond/

Gaar u ah Duufaanada

Duufaanadu waxay ka dhici karaan meel kasta iyo wakhti kasta.

Waxay keeni karaan dabaylo xoogan, daadad, roob leh dhagax waaweyn iyo hillaac.

Waxay sababi karaan burbur weyn isla markaasna waxay halis gelin karaan noloshaada.

Haddii aad u baahan tahay turjubaan si uu kaaga caawiyo macluumaadka degdega ah, ka wac Adeega Fasiraada iyo Turjumaada 131 450 (wacitaan lacag la'aan ah) oo weydii inay kuu wacaan Khadka Taleefanka Degdegga ah (1800 226 226).

Qorshayso waxaad samayn doonto oo aad hore usii qaadan lahayd, haddii loo baahdo inaad qaxdo.

Ka ogow sida loo diyaariyo gurigaaga iyo/ama goobta shaqada, iyo waxa la sameeyo inta lagu jiro duufaanta websaydka VICSES - www.ses.vic.gov.au